Home Ciyaaraha Raphael Varan Oo Isku Qoray Taariikhda Real Madrid kadib markii Uu Ka...

Raphael Varan Oo Isku Qoray Taariikhda Real Madrid kadib markii Uu Ka Tagay Los Blancos. – banaadirsom

Ka Tagista uu Raphael Varane Uga tagay Real Madrid lacag dhan 50 milyan ayaa ka dhigaysa xiddiga 4-aad ee ugu qaalisan ee ay Real Madrid iska iibiso taariikhdeeda iyada oo kooxdu lacag fiican ka heshay marka la eego in lagu jiro wakhti adag.

Varane ayaa ka tagaya boos weyn oo banaan daafaca Real Madrid gaar ahaan markii uu Sergio Ramos ka tagay banaadirsom laakiin waxa uu banaadirsom u keenay lacag badan marka loo eego in uu heshiiskiisu dhaci lahaa dhamaadka xilli ciyaareedka dambe.

Lacagta ay Real Madrid ka heshay Varane waxa ka badan kaliya xiddigaha Cristiano Ronaldo oo 100 milyan ugu biiray Juventus, Alvaro Morata oo 80 milyan ugu biiray chelsea iyo Angel Di Maria oo 75 milyan ugu biiray United.

Varane ayaa Real Madrid yimid isaga oo 18 jir ah iyada oo ay kooxdu ka soo bixisay kaliya lacag dhan 10 milyan oo euro iyada oo 10 sano kadib xiddiga ku iibisay 5 jibaar lacagtii ay ku soo iibsatay.

Source link