Home Ciyaaraha Ramos, Alba & Daafacyada Ilaa Haatan La Dhamaystiray Saxiixooda Suuqa Xagaagan –...

Ramos, Alba & Daafacyada Ilaa Haatan La Dhamaystiray Saxiixooda Suuqa Xagaagan – banaadirsom

Kooxaha reer yurub ayaa ka shaqaynaya xoojinta kooxohooda ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub waana suuq diirada la saaray xoojinta dhanka daafaca.

Daafaca dhexe ayaan inta badan kubada cagta noqon hadal haynta kubada cagta marka loo bar-bar dhigo boosaska kale laakiin waxa uu laf dhabar u yahay ciyaaraha kubada cagta.

Guulaha kooxdu waxa ay ka bilaabataa daafaca dhexe iyada oo banaadirsom iska dhista daafaca dhexe shaki la’aan la hubo in ay koobab ku guulaysan doonta.

Hadaba kooxaha ayaa suuqa xagaagan awooda saaray xoojinta dhanka daafaca iyada oo la kala iibsaday daafacyo badan oo kala duwan.

Wargayska MARCA ayaa warbixin ku soo saaray daafacyada ilaa haatan u kala wareegay kooxaha kala duwan suuqa xagaagan.

Dayot Upamecano:

Daafacan dhexe ayaa doortay in uu ku biiro banaadirsom Bayern Munich kadib markii uu qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay banaadirsom RB Leipzig xilli ciyaareeedkii dhamaaday.

David Alaba:

Daafaca reer Austria ayaa qaab xor ah ugu biiray Real Madrid kadib markii uu dhacay heshiiskii uu kula jiray banaadirsom Bayern Munich isaga oo Noqday saxiixa kaliya ee ay Real Madrid samaysay ilaa haatan.

Sergio Ramos:

Daafaca reer Spain ayaa soo afjaray 16 sano oo uu joogay banaadirsom Real Madrid isaga oo ku biiray banaadirsom PSG kadib markii uu dhacay heshiiskii uu kula jiray banaadirsom Los Blancos kadib dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore.

Raphael Varane:

Varane ayaa ah daafacii 2-aad ee ka tagay banaadirsom Real Madrid xagaagan iyada oo banaadirsom Man United xaqiijisay in ay Los Blancos kala heshiisay saxiixa daafaca dhexe kaas oo ku kacay lacag dhan 50 milyan oo euro.

Ibrahima Konate:

Konate ayaa ah daafacii 2-aad ee dhankiisa ka taga banaadirsom RB Leipzig kadib markii ay Reds 45 milyan oo euro kula soo wareegtay daafaca reer France si ay ugu xaliso dhibaatadeeda daafaca xilli ciyaareedk cusub.

Eric Garcia:

banaadirsom Barcelona ayaa Eric Garcia ka dhigtay saxiixyadeeda xorta ah ee xagaagan iyaga oo qaab xor ah xiddiga reer Spain ugala soo wareegay banaadirsom Man City kadib markii uu dhacay heshiiskiisu.

Sii Akhriso: Ma Doonaysaa In Uu Jacaylkaagu Waligiis Jiro Oo Aad Is Jeclaataan Inta Aad Adduunka Joogtaan, 8-dan Sir Ayaa Ku Caawin karta.

Source link