Home Wararka Maanta Ra’isul Wasaare Rooble oo u sheegay Axmad Madoobe inuu kula xisaabtami doono…

Ra’isul Wasaare Rooble oo u sheegay Axmad Madoobe inuu kula xisaabtami doono…

Waxaa maanta Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble uu soo gaba-gabeeyay safar maalmihii lasoo dhaafay uu ku joogay Magaalada Kismaayo…..

Ka hor inta uusan ka dhoofin magaalada Kismaayo waxa uu Ra’iisul Wasaare Rooble la hadlay warbaahinta isagoo  sheegay in ujeedka safarkiisa Kismaayo uu qeyb ka yahay arrimaha hirgelinta doorashooyinka oo ku tegi dooni dhammaan Magaalooyinka ay ka dhacayaan doorashooyinka dalka.

Rooble ayaa xusay inuu soo indha-indheyn doono goobaha doorashooyinka iyo amnigooda, isla markaana kulamo kala duwan la qaadan doono Madaxda maamulada iyo shacabka kunool Magaalooyinka oo socdaalka ku tegayo.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ayuu Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyay soo dhaweynta ay u sameeyeen isaga iyo wafdigii uu hoggaaminayay, isagoona sheegay inuu ka qeyb galay kulamo ka dhacay Kismaayo .

“Madaxweyne Axmed Madoobe waxaan kula xisaabtami doono doorashooyinka Baarlamaanka Federaalka ee ka dhacaya Magaalooyinka Kismaayo iyo Garbahaarey, isla markaana isagana uu ku kormeerayo hirgelinta doorashada” ayuu yiri Ra’isul Wasaaraha

Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa u ambabaxay Magaalada Garbahaarey, wuxuuna halkaas kula kulmi doonaa Maamulka degmada iyo guddiga dib u heshiisiinta Gobolka Gedo, isagoona kala hadli doona doorashada iyo xaaladda guud ee deegaanka.

 

Source link