Home Wararka Maanta Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulamo ka wada Magaalada Nairobi + Ujeedka

Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulamo ka wada Magaalada Nairobi + Ujeedka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedxilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, kaas oo ku sugan Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Labada mas’uul ayaa iska xog-wareystayxaaladda dalka iyo doorashooyinka, dhacdooyinka dalka horay uga dhacay iyo sida looga gudbi karo caqabadaha heysta doorashooyinka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Cumar Cabdirashiid uga warbixiyay dadaallada ay Xukuumadda ku bixisay hirgelinta arrimaha Doorashooyinka oo iminka ka socda dalka, lana soo doortay qaar ka mid ah Xildhibaannada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad ee Dalka.

Shalay Ra’iisul Wasaare Rooble waxaa uu la kulmay Safiirada Beesha Caalamka, isaga oo kala hadlay dhaqaalaha doorashada, waxaana la filayaa in Ra’iisul Wasaaraha uu kulamada sii wado ilaa iyo inta uu uga soo laabanayo Magaalada Muqdisho.

 

Source link