Home Wararka Maanta Ra’iisul Wasaare Rooble oo dib ugu soo laabtay Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Rooble oo dib ugu soo laabtay Muqdisho





Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa Muqdisho dib igu soo laabtay ka dib socdaal 4 cisho qaatay oo uu ku tagay magaalooyinka Kismaayo iyo Garbahaarrey ee dowlad-goboleedka Jubbaland.

Socdaalka Ra’iisul Wasaare Rooble ee Jubaland ayaa diiradda saarayay arrimaha hirgelinta doorashooyinka, dib u heshiisiinta, xoojinta amniga iyo fulinta mashaariic horumarineed oo wax tar u leh bulshada.

Shalay xilli uu Warbaahinta kula hadlayay Ra’iisul Wasaaraha Magaalada Kismaayo waxaa uu sheegay in uu dhawaan dhamaan tegi doono degaannada dowlad Goboleedyada ee lagu qabanayo doorashooyinka.

 




Source link