Home Wararka Maanta Ra’iisal wasaare Rooble oo safar deg deg ah ugu dhoofaya Waddanka…

Ra’iisal wasaare Rooble oo safar deg deg ah ugu dhoofaya Waddanka…





Wasiirka Koobaad Ee Xukuumada Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa saacadaha soo socda la filayaa inuu safar ugu ambabaxo Dalka Ingiriiska.

Xubno katirsan Shaqaalaha Xafiiska R/wasaaraha ayaa uxaqiijiyey xogtaan Warqaad iyagoo sheegay in R/wasaaraha Socdaalkiisa uu daaran yahay ka qeyb galka Shir caalami ah oo London ka furmi doona.

Kulankaasi waxa looga hadlayaa Arimaha Waxbarashada,waxaana lagu Casuumay madax kala duwan oo R/wasaare Rooble qeyb ka yahay.

Sida la qorsheeyey shirka London ka daah furmaya waxaa shir gudoon ka noqon Doona R/wasaaraha UK Boris Johnsson,iyadoo inta Rooble halkaasi kusugan yahay kulan doceedyo la qaadan doono madaxda shirka lagu marti qaaday.

Safarka Rooble ayaa kusoo aadaya xilli doorashada berri si toos ah loo qorsheeyey inay ubilaabato oo Aqalka Sare lasoo doorto maadaama 25-ka Bisha ay ku beegan tahay.

 




Source link