Home Arimaha Bulshada Raggu Ma Jecelyihiin Gabadha Jacaylkeeda U Soo Bandhigta? – Banaadirsom

Raggu Ma Jecelyihiin Gabadha Jacaylkeeda U Soo Bandhigta? – Banaadirsom


Ninku miyuu jecel yahay Gabadha u soo bandhigta jaceylka ay u qabto isaga, waa su’aal ku wareegaysa madaxa Gabadh kasta bilowga nolosheeda jaceylka, waxa ay jeclaan lahayd in ay ogaato masiirka dareenka qalbigeeda ay dul dhigtay ninka ay jeclaatay, Hadaba Raggu ma Jecelyihiin Gabadha u soo bandhigta jacaylka ay u qabto.

Midee u fiican gabadha in ay sugto Inta uu isagu kaga horaynayo qirashada jacaylka mise waxa suurtagal ah in ay si cad ugu sheegi karto jacaylka ay u qabto kuna odhan karto “waan ku jecelahay” Ninka ka hor.

Ninku Miyuu Jecelyahay Gabadha U Qirata Jacaylka Ay Isaga U Qabto?.

Bulshooyinkeenna Somalida waxa caado ah in uu Ninku marka hore ku dhawaaqo kalmada “Waan Ku Jecelahay” iyo waliba in uu Ninku marka hore gabadha u soo bandhigo jacaylka uu u qabo laakiin mararka qaar waxa dhacda in ay Gabadhu ku deg-degto in ay qirato jacaylka u qabto Ninka.

Hadaba waxa jirta Laba xaalad oo aan saddex lhayn, xaalada ugu horaysa ayaa ah in uu Ninku sidoo kale gabadha jecelyahay halkaasna ka bilaabaan dhisida nolosha jacaylkooda, halka midka 2-aad yahay in uuna Ninku wax dareen ah u qabin gabadha ama uuna u jeclayn sida ay iyadu u jeceshahay arintaas ayaan ah natiijada ugu xun ee qalbiga gabadha.

Hadaba hadii aan ka jawaabno Ninku ma jecelyahay Gabahda soo bandhigta jacaylkeeda? Sida caadada ah waxa dhacda in uu Ninku marka hore soo bandhigo jacaylka sidaas darteed waxa laga yaabaa in ay Ninka lama filaan ku noqoto waxa uu maqlay iyo jacaylka ay gabadhu u soo bandhigtay.

Hadaba Ragga ayaa laba dhinaca u kala leexanaya marka ay Gabadhu u soo bandhigto jacaylkeeda, midka ugu horeeya ayaa ah mid gabadha aqbalaya oo dhankiisa qalbiga wax ugu hayay kuna farxay waxa uu ka maqlay afka gabadha, halka uu midka 2-ad yahay mid aan isla markiiba aqbali doonin arintaas waliba u baahan mucjiso in uu aqbalo jacaylka ay gabadhu u soo bandhigtay.

Dhanka kale arintu kuma xidhna kaliya qirashada gabadha ee jacaylka Ninka laakiin waxa jira dhaqan Somaliyeed oo ay tahay gabadhu in ay marto halka uu jiro qalbigeeda oo u adkaysan la’a jacaylka ay qabto kana cabsi qabto in ay niyad jab kala kulanto sidaas darteed waxa ugu muhiimsan gabadha ayaa ah in ay hesho natiijo aqblis dhanka ninka ah ama Diidmo.

Source link