Home Wararka Maanta Qoyska Siyaad Barre oo barakacin kawada Afgooye iyo xiisad dagaal oo taagan

Qoyska Siyaad Barre oo barakacin kawada Afgooye iyo xiisad dagaal oo taagan





Wararka inaga soo gaaraya degmada Afgooye ee gobalka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in halkaasi ay maanta ka taagantahay xiisad dagaal kadib markii shacabka halkaas ku nool ay hub la soo baxeen.

Qaar kamid ah dadka dagan xaafada Waanjeel ee waaxda 21-da Oktoobar ayey cabsi barakacin ah soo wajahday markii ciidamo katirsan dowladda ay ugu hanjabeen iney guryahay ku dul burburin doonaan amaba ay isaga guuraan.

Arrintan ayaa salka ku heysa kadib markii uu gabar uu dhalay Maxamed Siyaad Barre ay sheegatay dhulka ay daganyihiin dadka shacabka taa oo hadda awood ka heleysa taliska Farmaajo.

Goobaha ganacsiga Afgooyi ayaa gabi ahaanba xiran waxaana luuq walba lagu arkayaa maleeshiyo hubeysan.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in dhulka ay dagan yihiin ab ka ab islamarkana aan la sheegan karin iyadoo ay xusid mudan tahay in madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheeekh Maxamuud uu dadka shacabka ah ee dagan u xukmiyay.

 




Source link