Home Ciyaaraha Qiimaynta Xulalka Kubada Cagta Adduunka Oo La Soo Saaray & Kaalinta Uu...

Qiimaynta Xulalka Kubada Cagta Adduunka Oo La Soo Saaray & Kaalinta Uu Xulka Somaliya Kaga Jiro Qiimaynta – Banaadirsom

Xidhiidhka kubada cagta adduunka ee FIFA ayaa soo saaray Qiimaynta xulalka kubada cagta adduunka kadib markii ay soo xidhmeen tartamadii qaariga ahaa ee Yurub iyo Copa America kuwaas oo muddo bil ah socda.

Xulka qaranka Belguim ayaa wali hogaaminaya Liiska xulalka ugu qiimaha badan halka xulka qaranka Brazil ku jiro kaalinta 2-aad ee qiimaynta xulalka kubada cagta adduunka.

Xulalka France iyo England ayaa ku jira 3-aad iyo 4-aad kadib markii ay ku guulaysteen Euro 2020 halka xulka Argentine oo ku guulaystay Copa America ku jiro kaalinta 6-aad ee kala saraynta.

Xulka qaranka Somaliya ayaa dhankiisa ku jira kaalinta 197-aad kadib markii uu ka soo muuqday kulankii is reeb-reebka ee FIFA Arab Cup 2021 soona bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah inkasta oo laga reebay tartanka.

Hadaba Halkan Kaga Bogo 10-ka xul ee ugu qiimaha sareeya adduunka kubada cagta:

  1. Belguim
  2. Brazil
  3. France
  4. England
  5. Italy
  6. Argentine
  7. Spain
  8. Portugal
  9. Mexico
  10. USA

=197 Somalia

Sii Akhriso: Ma Jiraa Qof Aad Jeceshahay Laakiin Aad Khalad Ka Gashay, Ma Doonysaa In Ay Ku Cafiso Ama Uu Ku Cafiyo, Fariintan Cajiibka Ah Ayaa Kaaga Filan

Source link