Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho





Muqdisho (Banaadirsom) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax goordhow ka dhacay qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo jugtiisa si weyn looga maqlay meelo badan oo caasimada ka mid ah ayaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay agagaarka KM4, gaar ahaan wadada aada Garoonka.

Warar ay heshay Banaadirsom ayaa sheegaya in qaraxa uu fuliyey qof isku xiray walxaha qarxa oo beegsaday gawaari lagu baarayey koontarool ku yaalla halkaasi.

Sidoo kale waxaa jira khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac soo gaaray, askar ku sugnyed goobta iyo dad shacab ah oo ka agdhowaa halka uu qaraxu ka dhacay.

Xaaladda goobta ayaa sidoo kale aad u kacsan, waxaana gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Weerarkan loo adeegsaday qaraxa ayaa kusoo aadaya, xilli Muqdisho laga dareemayo diyaar garow ku aadan doorashada madaxweynaha oo 15 bishan ka dhaceysa Afisyoone.

Faah faahinta kala soco: caasimada.net









Source link