Home Wararka Maanta Puntland oo xukun dil ah ku riday Rag ka tirsan Al-Shabaab &...

Puntland oo xukun dil ah ku riday Rag ka tirsan Al-Shabaab & Magacyada dadkaasi

Maxkamadda Darajada koowaad ee ciidamada Qalabka sida ee Gobolada Mudug iyo Cayn ee Puntland ayaa ugu danbeyn maanta dil toogasho ah ku xukuntey 8 rag oo la sheegay inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab.

Raggaan ayaa Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Puntland ku eedeysay inay ahaayeen Shabakad dilal iyo qaraxyo ka geysan jirey magaalada Galkacyo gaar ahaan dhinaca Galmudug.

Garsooraha Maxkamadda ayaa sheegay in kadib markii loo helay cadeeymo raggaan iyo markhaatoyal lagu riday xukun dil toogasho ah, hayeeshee ay heystaan inay racfaan ka qaataan Xukunka.

Puntland ayaa todobaadkii hore waxaa ay xukun dil toogasho ah ku fulisay 21 rag ah, kuwaas oo 18 kamid ah toogashadooda ka dhacday Magaalada Gaalkacyo halka Saddexda kale lagu kala toogtay Magaalooyinka Garoowe iyo Qardho.

 

Source link