Home Wararka Maanta Puntland iyo Daacish oo maalintii saddexaad ku dagaalamayo Gal-gala

Puntland iyo Daacish oo maalintii saddexaad ku dagaalamayo Gal-gala

Wararka ka imaanaya gobolka Bari ayaa sheegaya in maalintii saddexaad dagaal u dhexeeyey ciidamada Puntland iyo banaadirsom Daacish uu ka socda dhulka buuraleyda ah ee gobolkaasi, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Dagaalka oo billowday labo maalin ka hor ayaa geystay khasaare isugu jiri dhimashio iyo dhaawac, waxaana xoogiisa uu ka socdaa buuraha Calmiskaad iyo Galgala.

Saraakiil ka tirsan Puntland oo ka hadlay dagaalkaasi ayaa shaaca ka qaaday inay dhul ballaaran ka qabsadeen Daacish, sidoo kalena ay gaarsiiyeen khasaare lixaad leh.

Wararka ayaa intaasi kusii saraya in haatan ciidamo hor leh oo ka tirsan kuwa PSF-ta Puntland lagu daad gureeyey deegaanada uu dagaalku ka socdo, waxaana weli xaaladdu ay tahay mid kacsan, maadaama ay sii xoogeysanayaan dhaq-dhaqaaqyada labada dhinac.

Dadka deegaanka ayaa sidoo kale waxaa saameyn ku yeeshan dagaalladaasi, iyaga oo bilaabaya inay isaga barakacaan goobaha ay ku dagaalamaan Puntland iyo Daacish.

Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka banaadirsom Daacish oo ku aadan dagaalladaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada ammaanka ee Puntland.

 

Source link