Home Ciyaaraha PSG Oo Xaqiijisay In Uu Kylian Mbappe Warqada Bixitaanka U Gudbiyay Kooxda,...

PSG Oo Xaqiijisay In Uu Kylian Mbappe Warqada Bixitaanka U Gudbiyay Kooxda, Dalabka Real-na Way Xaqiijiyeen – Banaadirsom

Kooxda PSG ayaa xaqiijisay in uu xiddiga Kylian Mbappe kooxda ka dalbaday in uu doonayo in uu isaga tago kooxda inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Agaasimaha Kooxda PSG ee Leonardo ayaa xaqiijiyay in uu xiddiga Kylian Mbappe codsaday in uu xagaagan ku biiro kooxda Real Madrid kadib dalabkii ay Real Madrid ka gudbisay saxiixa xiddiga.

Kooxda Real Madrid ayaa dalab Rasmi ah oo dhan 160 milyan ka gudbisay saxiixa xiddiga Kylian Mbappe si ay ugu xoojiyaan weerarkooda inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Laakiin PSG ayaa isla markiiba diiday dalabkaas iyaga oo rajaynayay in ay heshiis cusub ka saxiixdaan xiddiga reer france ee uu heshiiskiisu dhici doono dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Leonardo oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Mbappe wuxuu doonayaa inuu ku biiro Real Madrid waxaan helnay dalab bilow ah waanan diidnay, laakiin haddii aan helno dalab ka wanaagsan shuruudahayaga, waan arki doonaa waxa dhaca”

“Dookhayagau waa cadyahay, waxaan dooneynaa in Mbappe uu sii joogo oo uu heshiis cusub u saxiixo kooxda, laakiin uma oggolaan doonno inuu ku baxo wax ka yar lacagtii aan Monaco kaga bixinnay.

“Aniga iyo Nasser Al-Khelaifi waxa aan u fikiraynaa isku mid, ma jirto cid aan u furnay Albaabka bixitaanka laakiin hadii uu xiddigu doonayo in uu bixo arintu anaga ayay nagu xidhantahay”.

“Dalabkii Real Madrid ee 160 milyan ahaa waxa ay ahayd qorshe ay Real Madrid doonaysay in aan ku diidno dalabkaas si ay u muujiso in ay wax walba u sameeyeen in ay hleaan xiddiga kadib hal sano sugaan si ay qaab xor ah ugu hleaan”ayuu sii raaciyay

Sii Akhriso: Ma Doonaysaa In Aad Guursatid Gabadh Qurux Badan, Hadaba Ninow Haatan Ka Laabo Go’aankaas Hadii Aad Noloshaada Doonaysid, Ma Ahan Mid U Fiican Noloshaada

Source link