Home Ciyaaraha PSG Oo Ka Jawaabtay Wararka Shaaca Ka Qaaday Mushahar Lionel Messi Ee...

PSG Oo Ka Jawaabtay Wararka Shaaca Ka Qaaday Mushahar Lionel Messi Ee Kooxda. – Banaadirsom

Wargayska L’Equipe  ayaa shaaca ka qaaday mushaharka uu xiddiga Lionel Messi ka qaadanayo 3-da sano ee uu joogayo kooxda laakiin agaasimaha kooxda PSG ee Leonard ayaa si cad uga hadlay wararkaas kuna tilmaamay kuwo been ah.

Waxa la sheegayaa in uu Messi jeebka ku shuban doono 30 milyan oo euro sanad kasta labada sano ee uu joogo kooxda iyo 40 milyan oo sanadka ugu dambeeya ee hshiiskiisa.

Laakiin Leonardo ayaa beeniyay wararka uu sheegay wargayska L’Equipe isaga oo ku tilmaamay sheego been ah oo aan la aqbali karin.

“Ma aqbali karno waxa uu sheegay wargayska L’Equipe, Ma ahan in uu wargayska magacaas leh qoro wararkaas”.

“Gabi ahaan waa war been ah oo ayna waxba ka jirin, waxa ay muujinaysaa ixtiraam daro, mana jeclin waxa ay sheegeen waana wax runta ka fog”ayuu sheegay.

“Waxa jirta warar kalsooni abuur ah laakiin ma odhan karo in ayna run ahayn marka laga hadlo heshiiska 3-da sano”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: Qaabkee Ayaad Gabadha U Waydiisan Kartaa Numberkeeda Marka Aad Aragtida Ugu Horaysa Kaga Heshay

Source link