Home Ciyaaraha PSG Oo Ka Durba Ka Jawaabtay Dalabkii Ay Real Madrid Ka Gudbisay...

PSG Oo Ka Durba Ka Jawaabtay Dalabkii Ay Real Madrid Ka Gudbisay Saxiixa Kylian Mbappé – Banaadirsom

Kooxda PSG ayaa durba ka jawaabtay dalabkii furitaanka ahaa ee ay kooxda Real Madrid ka gudbisay saxiixa xiddiga Kylian Mbappé sida ay sheegayaan wararku.

Daqiiqado ka hor ayay kooxd Real Madrid Dalab Rasmi ah oo dhan 160 milyan oo euro ka gudbisay saxiixa xiddiga Kylian Mbappé si ay u hesho saxiixiisa inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Kylian Mbappé Ayaa dhankiisa PSG u sheegay in uu doonayo in uu isaga tago kooxda inta lagu jiro xagaagan isaga oo diiday dalabkii heshiiska cusub ee ay u soo bandhigeen kooxda.

Wargayska telefoot gaar ahaan saxafiga u shaqeeya wargayska ee Julien Maynard ayaa xaqiijiyay in ay kooxda PSG heshay dalab Rasmi ah oo dhan 160 milyan ah oo ay Real Madrid ku doonayso saxiixa xiddiga Mbappe.

Laakiin kooxda reer France ayaa isla markiiba diiday dalabka ay Los Blancos ka gudbisay saxiixa xiddiga reer France ee koobka adduunka kula guulaystay xulka qarankiisa.

Sii Akhriso: Sifooyinka Uu Ninku Ku Jecelyahay Gabadha Laakiin Keeni Karta In Uu Wakhti Dambe Ka Fogaado.

Source link