Home Ciyaaraha PSG Oo Diyaarinaysa Dalab Rasmi Ah Oo Ay Ka Gudbiso Paul Pogba...

PSG Oo Diyaarinaysa Dalab Rasmi Ah Oo Ay Ka Gudbiso Paul Pogba – banaadirsom

banaadirsom PSG ayaa la filayaa in ay dalab Rasmi ah ka gudbiso xiddiga khadka dhexe ee banaadirsom Man United Paul pogba sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga koobka adduunka ku guulaystay ayaa la rumaysanyahay in uu iska diiday heshiis cusub oo uu u saxiixo banaadirsom Man United taas oo la macno ah in ay United cadaadis ku saaranyahay in ay iibiso xiddiga xagaagan.

Tababaraha Man United Ole Gunnar Solskjaer ayaa ku rajo weyn in uu Pogba sii joogi doono Man United xilli ciyaareedka dambe laakiin Man United aya filaysa in ay PSG dalab Rasmi ah ka gudbiso xiddiga.

Sida laga soo xigtay Sky Sport PSG ayaa isku diyaarinaysa in ay dalab Rasmi ah ka gudbiso xiddiga kadib markii ay haatanba wadahadalo la qaadatay wakiilada xiddiga reer France.

Pogba ayaa dhaawac ku dhibaatooday xilli ciyaareedkii hore laakiin door muhiim ah ka ciyaaray xilli ciyaareedka United isaga oo dhaliyay 6 gool iyo 10 caawin 41 kulan oo saftay Tartamada.

Source link