Home Ciyaaraha PSG Oo Badalka Kylian Mbappé Ka Heshay Premier League – Banaadirsom

PSG Oo Badalka Kylian Mbappé Ka Heshay Premier League – Banaadirsom

Kooxda PSG ayaa ku dhibaatoonaysa isku daygooda ay heshiis cusub uga saxiixanayso xiddiga Kylian Mbappé xilli ay kooxdu marar badan isku dayday in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga laakiin wakiilada xiddiga ayaa isla markiiba diidaya dalabkooda.

Haatan kooxda PS aaya ka fiirsanaysa in ay iska iibiso xiddiga inta lagu jiro suuqa xagaagan iyaga oo waliba doonaya in ay ku badalaan xiddiga kooxda Everton ee Richarlison.

Xiddiga Richarlison oo ah saaxiib ay aad isugu dhawyihiin Neymar ayaa ku guulaystay bilada dahabka ah ee ciyaarihii Olympics waxana la fahamsanyahay in ay kooxda PSG haatanba la xidhiidhay wakiilada xiddiga si ay u waydiiso in uu xiisaynayo in uu ku soo biiro kooxda.

Si kasta ha ahaatee muhiimada 1-aad ee kooxda ayaa ah in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga Kylian Mbappe si ay kooxda ugu sii hayaan xiddiga.

PSG ayaa isku dayi doonta in ay wax walba u samayso sidii ay xiddiga ugu qancin lahayd in uu sii joogo kooxda laakiin xiddiga ayaa xor u noqon doona in uu kooxaha kale wadahadalo la furo bisha January.

Sii Akhriso: Sifooyinka Uu Ninku Ku Jecelyahay Gabadha Laakiin Keeni Karta In Uu Wakhti Dambe Ka Fogaado.

Source link