Home Ciyaaraha Premier League Oo Bilaaban Doona & 4 Kooxood Oo Ugu Cad-Cad Ku...

Premier League Oo Bilaaban Doona & 4 Kooxood Oo Ugu Cad-Cad Ku Guulaysigiisa. – Banaadirsom

Horyaalka Premier League ayaa si Rasmi ah u soo laabanaya iyada oo lagu bilaabi doono kooxaha Arsenal iyo Brentford kulan ka dhici doona garoonka Brentford Community Stadium.

Kooxaha ugu waaweyn horyaalka ayaa si xoogan suuqa u galiyay lacag iyaga oo xoojinaya kooxohooda ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub iyada oo Romelu Lukakku yahay xiddigii ugu dambeeyay ee ku biiray chelsea.

Sidaas darteed kooxaha waaweyn Ayaa muujiyay in ay ka sii fogaan doonaan kooxaha kale dhanka tartanka horyaalka iyada oo kooxaha ugu cad-cad ku guulaysiga horyaalku yihiin Chelsea, Manchester City, Liverpool & Manchester United.

Manchester United:

Banaadirsom Man United oo uu hogaamiyo Ole Gunnar Solskjaer ayaa ku sii dhawaanaysa in ay gaadho halka ugu saraysa ee horyaalka premier League kadib markii ay si fiican u gashay suuqa xagaagan.

Raphael Varane iyo Jadon Sancho ayaa ah labada xiddig ee ay kooxdu la soo wareegtay waxana la filayaa in ay labada xiddig saamayn weyn ku yeeshaan fursadaha Banaadirsom ee xilli ciyaareedkan ku guulaysiga koobka.

Liverpool:

Guulaha Liverpool intii uu Jurgen Klopp hogaaminayay waxa ay ku dhisnayd daafaca dhexe taas oo Banaadirsom ka caawisay in ay koobab ku guulaystaan sanadihii la soo dhaafay.

si kasta ha ahaatee xilli ciyaareedkii hore Liverpool ayaa dhibaatootay sabab la xidhiidha dhaawac soo gaadhay Virgil Van Dijk laakiin daafaca dhexe ayaa soo laabtay waxana uu daafaca dhexe kaga garab ciyaari karaa Ibrahima Konate kaas oo doonaya in uu Banaadirsom ku soo celiyo kaalinta ugu saraysa horyaalka premier League.

Chelsea;

Thomas Tuchel ayaa xilli ciyaareed cajiib ah ku qaatay chelsea sanadkii hore isaga oo Banaadirsom ku hogaamiyay ku guulaysiga champions League markii 2-aad ee taariikdhooda.

Kadib ku guulaysigii UEFA Super Cup chelsea ayaa shalay Khamiistii ku dhawaaqday saxiixa Romelu Lukaku kaas oo shaki la’aan horumarn doona weerarka Banaadirsom xilli ciyaareedkan cusub.

Man City:

Banaadirsom Man City ayaa doonaysa in ay difaacato Premier League xilli ciyaareedkan kaas oo noqon kara midkii 4-aad 5-tii sano ee ugu dambaysay.

Banaadirsom ayaa baanka u jabisay xiddiga Jack Grealish kaas oo ay kula soo saxiixatay 100 milyan oo euro laakiin qiimaha ay suuqa galiso xagaagan ayaa kor u kici doona hadii ay hesho xiddiga Harry Kane oo ay wali doonayso saxiixiisa.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Lamaanaha: Maxaa Dhacaya Hadii Gabadhu Diido Ninkeeda Kulanka Sariirta, Nabigeena {N.N.K.H} Ayaa Ka Hadlay.

Source link