Pierre-Emerick Aubameyang Oo Saxiixiisa U Soo Bandhigay Koox Weyn Oo Reer Yurub Ah, Arsenal Wuu Ka Socdaa. – Banaadirsom

Weeraryahanka kooxda Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang ayaa lagu soo waramayaa in uu Tababare Mikel Arteta U Sheegay in uu raadsado badalkiisa maadama uu donayo in uu isaga tago kooxda.

Weeraryahanka Pierre-Emerick Aubameyang Ayaa doonaya in uu isaga tago kooxda Arsenal isaga oo wakiilkiisa u sheegay in uu saxiixiisa u soo bandhigo kooxda Barcelona.

Xiddiga reer Catalan ayaa doonaysa saxiixa weeraryahan cusub si ay u xoojiso kooxda qaybta dambe ee xilli ciyaareedka dambe si ay u badbaadiyaan xilli ciyaareedka kooxda.

Xavi ayaa xiddiga 32 jirka ah u arka mid wax weyn ku soo kordhin kara kooxdiisa da’yarka u badan ee ilaa haatan ku dhibaatoonaysa dhinaca weerarka.


Source link