Home Ciyaaraha Pep Guardiola Oo Shak Galiyay U Dhaqaaqista Kooxdiisa Ee Harry Kane –...

Pep Guardiola Oo Shak Galiyay U Dhaqaaqista Kooxdiisa Ee Harry Kane – Banaadirsom

Tababaraha Manchester City Pep Guardiola ayaa qirtay inuusan hubin inuu la soo wareegi doono weeraryahan inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Kooxda ayaa si dhow loola xiriirinayay xiddiga Tottenham Harry Kane xagaagii oo dhan, laakiin kooxda reer London ayaa diidan in ay iibiso xiddigeeda.

Sidaas darteed kooxda Man City ayaan dhamaystiri karin saxixia xiddiga Harry Kane ka hor inta uuna xidhmin suuqa xagaaga waxana uu tababare Guardiola u muuqdaa in uuna u dhaqaaqi doonin badalkiisa.

“Waxaa laga yaabaa inaan iibsano ama laga yaabo inaanu iibsan,” ayuu yiri Guardiola.

“Wali waxa suuqa ka hadhay 10 maalin waxana aan arki doonaa waxa dhaca, arintaasna waxa ay ku xidhantahay go’aanka aan qaadano”.

“Hadii aanan la soo saxiixan weeraryahan cusub, waxa aan sheegay ka hor kulankii aan 5/0 ku badinay in aan ku faraxsanahay xiddigaha aan haysto kooxda, si fiican ayaan u garanayaa, iyaguna si fiican ayay ii garanayaan”.

Sii Akhriso: Marxaladaha Uu Maro Xiriirka jaceyl Ee dhabta ah, Inta Badan Marxalada 3-aad Ma Dhaafaan

Source link