Home Ciyaaraha Pep Guardiola Oo Ka Warbixiyay Xaalada Dhaawac Ee Ilkay Gundogan Intii Lagu...

Pep Guardiola Oo Ka Warbixiyay Xaalada Dhaawac Ee Ilkay Gundogan Intii Lagu Jiray Kulankii Tottenham – Banaadirsom

Manchester City ayaa qiimeyn doonta dhaawaca garabka ka soo gaaray Ilkay Gundogan intii lagu jiray guuldaradii 1-0 ee Tottenham.

Xiddiga 30 jirka ah ee khadka dhexe ayaa kulanka ka baxay isaga oo garabkiisa lagu duubay maaliyada uu xidhanyahay kadib markii ay ciyaarta oo wakhti dambe ah isku dheceen xiddig Tottenham ah.

Tababaraha Man City ee Ppe Guardiola ayaa ciyaarta kadib xaqiijiyay in xiddiga reer Germany la eegi doono maanta oo Isniin ah si loo ogaado xaalada dhaawaciisa.

“Waxa uu ka dhaawacmay garabka”ayuu Guardiola yidhi.

“Waan eegi doonaa waxa dhaca Isniinta marka uu baadhitaanka maro”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: Ma Doonaysaa In Aad Qalbigaaga Ka Saartid Qof Aan Wax Jacayl Ah Kuu Qabin, Wadooyinkan Raac Si Deg-Deg Ah Ayaad Ku Iloobaysaa

Source link