Home Ciyaaraha Pedri Oo Bar-Bareeyay Rikoodh Uu Bruno Fernandes Kali Ku Ahaa. – Banaadirsom

Pedri Oo Bar-Bareeyay Rikoodh Uu Bruno Fernandes Kali Ku Ahaa. – Banaadirsom

Xiddiga Banaadirsom Barcelona ee Pedri ayaa ciyaaray kulankii uu xulka Spain iska xaadiriyay final-ka Ciyaaraha Olympics taas oo la macno ah in uu ciyaaray 72 kulan xilli ciyaareedka.

Bruno Fernandes ayaa ahaa xiddiga kaliga ku ahaa rikoodhka ka hor intii uuna Pedri bar-barayn laakiin haatan waxa uu rikoodhkaas la wadaagayaa xiddiga Man United.

Xiddiga 18 jirka ah ayaa ciyaaray 37 kulan oo kooxdiisa Barcelona ah xilli ciyaareedkii hore iyo 6 kulan oo Copa del Rey ah, 2 kulan oo Supercopa de Espana iyo 7 kulan oo chmapions League ah iyo waliba 20 kulan oo xulka Spain ah oo u qaybsamay xulka da’yarka iyo xulka 1-aad ee ka qayb qaatay euro 2020.

Hadii uu Pedri ka fogaado dhaawac oo uu ciyaaro final-ka Olympics ee uu xulka Spain la ciyaari doono waxa uu dhaafi doonaa Fernandes isaga oo ciyaari doona 73 kulan rikoodhkaasna kali ku noqon doona.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: 5 Arin Oo Hadii Uu Ninku U Sameeyo Gabadha Ayna Waligeed Ku Iloobin Ninkaas

Source link