Ousmane Dembele Oo Doonaya In Uu Koox Premier League Ah Qaab Xor Ah Ugu Biiro. – Banaadirsom

Weeraryahanka Barcelona Ousmane Dembele ayaa lagu soo waramayaa inuu diidi karo dalabyo uga imaanaya kooxo dhowr ah si uu qaab xorta ah ugu biiro Chelsea xagaaga soo aadan.

Heshiiska xiddiga reer France ee haatan ayaa dhici doona dhamaadka xilli ciyaareedkan taas oo la macno ah in uu xor uga tagi doono kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Man United iyo Newcastle ayaa la rumaysanyahay in ay xiiso u qabaan saxiixa xiddiga reer France xilli ay sidoo kale Juventus doonayso saxiixiisa.

Si kasta ha ahaatee sida laga soo xigtay Mundo Deportivo xiddiga reer France ayaa doonaya in uu ku biiro kooxa chelsea halkii uu ku biiri lahaa kooxo kale.

Xiddiga Dembele ayaa ilaa haatan diidan isku dayada ay Barcelona ku doonayso in ay heshiis cusub kaga saxiixato xiddiga isaga oo xidhiidh xun la yeeshay maamulka sare ee kooxda.


Source link