Home Ciyaaraha Ole Gunnar Solskjaer Oo Weerar Ku Qaaday Xiddig Kooxdiisa Ah Kadib Bar-Barihii...

Ole Gunnar Solskjaer Oo Weerar Ku Qaaday Xiddig Kooxdiisa Ah Kadib Bar-Barihii Southampton. – Banaadirsom

Tababaraha Kooxda Man United Ole Gunnar Solskjaer ayaa weerar ku qaaday xiddiga khadka dhexe ee kooxdiisa Fred kadib bar-barihii niyad jabka lahaa ee ay Man United la gashay kooxda Southampton.

Man United ayaa bar-baro niyad jab leh la gashay Southampton iyaga oo aan soo bandhigin qaab ciyaareed fiican inkasta oo ay guul weyn ku bilowdeen xilli ciyaareedka kulankii Leeds United.

Goolka ay Southampton dhalisay waxa si khalad ah isaga dhaliyay xiddiga khadka dhexe ee Fred kaas oo ay ku sii dhacday kubad uu laaday xiddiga Che Adams.

Solskjaer oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Kubada goolka noqotay waxa ay ku sii dhacday Fred laakiin ma ahayn in uu lugtiisa sidaas u fidiyo, waxa ay ahayd in uu isku dhigo kubada”.

“Waxa aan u baahanahay fal celin fiican marka aan wajahno xaaladan oo kale”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: Marxaladaha Uu Maro Xiriirka jaceyl Ee dhabta ah, Inta Badan Marxalada 3-aad Ma Dhaafaan

Source link