Home Ciyaaraha Ole Gunnar Solskjaer Oo Magacaabay Cida Paul Pogba Ku Qancin Karta In...

Ole Gunnar Solskjaer Oo Magacaabay Cida Paul Pogba Ku Qancin Karta In Uu Sii Joogo Man United. – Banaadirsom

Tababaraha Manchester United Ole Gunnar Solskjaer ayaa aaminsan in Paul Pogba lagu qancin karo inuu sii joogo Man United kadib guushii ay ka gaareen Leeds United.

Pogba ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay kulankii ay Man United 5/1 uga badisay Banaadirsom Leeds United isaga oo caawiye ka noqday 4 ka mid ah 5-tii gool ee ay Man United dhalisay.

Xiddiga reer France ayaa noqon doona xiddig xor ah dhamaadka xilli ciyaareedkan isaga oo ilaa haatan diiday in uu heshiis cusub u saxiixo Banaadirsom Man United.

Markii la waydiiyay in jacaylka taageerayaashu Paul Pogba ku qancin karo in uu sii joogo Banaadirsom waliba heshiis cusub u saxiixo ayuu Solskjaer ku jawabay” Jawaabta gaaban waa Haa”.

Paul Pogba ayuu shaki ku jiraa mustaqbalkiisa Banaadirsom Man United bilihii ugu dambeeyay iyada oo lala xidhiidhinayay in uu isaga tagayo Banaadirsom xilli uu xiiso ka helayo kooxaha PSG, Juventus iyo Real Madrid.

Sii Akhriso: Ma Jeceshahay Qof Aan Ku Jeclayn, Ma Doonaysaa In Aad Soo Jiidato Qalbigiisa, Fariimahan U Dir, Shaki La’aan Wuu Badalayaa Go’aankiisa

Source link