Home Arimaha Bulshada Ninka Quruxda Badan Mise Ninka Kaftanka Badan? Midkee U Dhaw Qalbiga Gabadha...

Ninka Quruxda Badan Mise Ninka Kaftanka Badan? Midkee U Dhaw Qalbiga Gabadha + Sababta


Ninka Kaftanka badan ayaa si aad ah u soo jiita Gabadha laakiin sidoo kale Ninka quruxda badan ayaa soo jiita bada laakiin Midkee Ayaa u dhaw qalbiga Gabadha Ninka quruxda badan mise Ninka kaftanka Badan.

Midee u dhaw qalbiga Gabadha Ninka quruxda badan mise Ninka kaftanka Badan?

Waa run in Ninka quruxda badan uu soo jiito Gabadha waliba si aad ah ay uga hesho sifooyinkiisa quruxda badan ee uu kaga duwanyahay Ragga intiisa kale, laakiin waxa qalbiga gabadha u dhaw Ninka kaftanka Badan waxana sabab u ah arimaha hoos ku xusan:

1.madadaalo Badan:

Ninka Kaftanka badan ee Mar walba faraxsan ayaa u dhaw qalbiga gabadha marka loo bar-bar dhigo Ninka quruxda badan sababta oo ah waa Nin ka farxiya mar walba waxana ay arintaas ku yeelataa saamayn weyn taas oo ka farisa Iyada taas oo keenta in ay ilowdo dhibaatada adduunka.

2.Kalsooni & Is-weynayn La’aan:

Ninka kafatanka badan ayaan ahayn mid is weyneeya inkasta oo uu yahay mid ay dumarku isku dagaalaan hadana waa mid aan isla weynayn waxana uu leeyahay kalsooni nafta ah taas oo keenta in uu ku dhawaado qalbiga gabadha.

3.Waa In Bulsho:

Ninka kaftanka Badan ayaa u dhaw qalbiga gabadha sababta oo ah waa in Bulsho waxana uu si fiican ula dhaqmaa dadka uu la daganyahay, waxana uu hagaajiyaa la dhaqanka dhamaan dadka uu la noolyahay taas oo keenta in ay Gabadhu jeclaato.

4.Waa mid Had iyo jeer Dhoola cadeeya oo rajo fiican muujiya:

Ninka kaftanka badan ayaa u dhaw qalbiga gabadha sababta oo ah waxa uu leeyahay awood uu ku fiicneeyo jawiga waxana uu mar walba sameeyaa dhoola cadayn sidoo kale waxa uu muujiyaa rajo fiican xitaa wakhtiga adag.

Source link