Home Arimaha Bulshada Ninka Quruxda Badan Mise Ninka Aan Quruxda Lahayn? Midkee Ayaa Farxad Dareensiiya...

Ninka Quruxda Badan Mise Ninka Aan Quruxda Lahayn? Midkee Ayaa Farxad Dareensiiya Gacalisadiisa. – Banaadirsom


Shaki kuma jiro in quruxdu tahay waxyaabaha ugu muhiimsan ee ay dumarku kaga helaan Ragga taas oo sidoo kale dhiiri galisa fikirka ah in ay ogolaato in uu guursado hadii uu ka dalbado arintaas.

Daraasad la soo saaray ayaa lagu ogaaday in Dumarka guursada Ragga aan quruxda badnayn in ay Farxad galiyaan Dumarka in ka badan Ragga quruxda badan.

Daraasada ayaa sheegtay in gabadha Guursata Nin aan lahayn qurux badan in ay tahay mid ka farxad badan kana dagan dhanka dhaqanka iyo daganaanta marka loo bar-bar dhigo Gabadha guursata Nin qurux badan halka ay sidoo kale uu Ninka aan quruxda badan lahayn helo kalsooni ka badan Ninak quruxda badan.

Waxa Intaas sii dheer in Ninka aan quruxda badnayn in uu mar waba ka shaqeeyo farxada gacalisadiisa iyo waliba in uu mar walba daryeelo.

Daraasada ayaa su’aalo lagu waydiiyay 113 oo qof oo Is qaba kuwaas oo da’doodu u dhexayso 29 ilaa 26 sano kuwaas oo sheegay in Dumarka qaba Ragga aan quruxda badan lahayn in ay dareemaan farxad ka badan kuwa kale waliba Guurkoodu socdo muddo dheer waliba guul gaadho.

Sirta ka dambaysa Guusha xidhiidhka iyo farxada ay dareento Gabadha Uu Qabo Ninka aan Qurux lahayn ayaa in uu Ninku ka cabsi qabo in uu Nin kale oo ka qurux badan jeclaado gabadhiisa sidaas darteed waxa uu ku dadaalayaa in uu farxad galiyo wax walba oo ay ku qaadato Waxana uu jacaylkiisa ugu soo bandhigaya gabadha qaab walba si uu u raadiyo farxada gacalisadiisa.

Source link