Home Wararka Maanta Naqshad cusub oo ciidamada kula wareegeen maanta Camaara & Saadaq joon oo…

Naqshad cusub oo ciidamada kula wareegeen maanta Camaara & Saadaq joon oo…

Dagaal culus ayaa waxa uu maanta barqadii ka dhacay Deegaanka Camaara Ee Koonfurta Gobolka Mudug,kaas oo dhexmaray Al Shabaabkii halkaasi kusugnaa iyo ciidamada weerarka ku qaaday deegaankaasi.

Saraakiisha ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta Galmudug ayaa sheegay inay dagaal kula wareegeen Camaara oo muddo al shabaab kusugnaayeen.

Waxaa adag in la helo xog faah faahsan oo dagaalka iyo khasaaraha ka dhashay iyadoo anteenada ay ka maqan tahay dadka deegaankana aan la heli Karin.

Saraakiisha duulaanka qaaday waxaa qeyb ka ah General saadaq joon oo ka mid ahaa hogaankii ciidanka bad baado qaran ee Muqdisho ka howlgalayey bilo ka hor.

Saraakiisha Camaara kusugan waxay sheegeen in ay sii wadi doonaan xoreynta deegaanada weli Al Shabaab kusugan yihiin.

Waxay ciidamadu sheegeen inay hadda kadib isku diyaarinayaan sidii loo qaban lahaa Degmada Xarardheere oo 80 km qiyaas ahaan ujirta Camaara.

Badweytims ayaa ogaatay in naqshad cusub loo weeraray Camaara islamarkaana jihooyin badan al shabaab ay ka war heleen in laga soo duulaan qaaday.

Dhimasho iyo dhaawac ayaa soo kala gaaray labada dhinac ee dirirta dhexmartay hayeeshee tiro koob sax ah lama hayo.

Howlgal ayey ciidamada wadajirka ah ka bilaabeen deegaanka ay maanta qabsadeen waxaana ay shacabka ugu baaqeen inay is dejiyaan.

 

Source link