Home Wararka Maanta MW Qoor-Qoor muxuu ka yiri falcelinta ka dhalatay Senatarada uu soo gudbiyay?

MW Qoor-Qoor muxuu ka yiri falcelinta ka dhalatay Senatarada uu soo gudbiyay?

Madaxweynaha DG Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor oo ka qaybgalay Munaasabad lagu maamuusayay aasaaska Dowlad-Goboleedka waxa uu difaacay go’aanka soo xulista Senatarada Aqalka Sare BFS.

Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor Madaxweynaha DG Galmudug waxa uu sheegay in qof weliba oo Musharax ah laga doonayo in uu codka weydiisto dadka bixinaya, maadaama xulashada ay ka dhalatay doorashada oo ah mid dadban.

“Dadka qaar oo dhahayo doorashada saasaa loo dhigay, adeer dalkaan waxa uu galay ama ku heshiiyay Doorasho dadban, marka aan gaarno doorasho qof ah waan u soconaa allaha na gaarsiiyo, haddii aad tahay musharax codka weydiiso oo soo bandhig wax laguugu dooran karo” ayuu yiri Madaxweyne Qoor-Qoor.

Waa uu sii hadlay waxaana uu yiri: “Haddii aadan adiga kursiga ka helin ama mid aad la rabtay uusan helin micnaheedu ma aha in aan wax kheyr badan meesha ka dhicin, walaal u dulqaado waa doorashada uu dalka ku heshiiyay, intii soo baxday Hambalyo”.

Madaxweynaha DG Galmudug waxa uu Liiska Musharixiintii u tartantay 6-kursi oo kamid ah 8ta Senatar uu ka reebay shaqsiyaad horay ugu fadhiyay, halka laga sugayo Labo kursi oo ku harsan in uu shaaciyo Musharixiinta ku loolameysa.

 

Source link