Home Wararka Maanta Muxuu yahay qorshaha ay Villa Soomaaliya u dejisay Senator Muuse Suudi?

Muxuu yahay qorshaha ay Villa Soomaaliya u dejisay Senator Muuse Suudi?

Sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan madaxtooyada Dowlad-goboleedka Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe madaxweynaha maamulkaasi iyo Villa Soomaaliya ayaa ka shaqaynayo qorshe halis ku ah Senator Muuse Suudi Yalaxoow.

Qorshahaan ayaa la doonayaa in kursiga Aqalka sare ee uu ku fadhiyo Senator Muuse Suudi laga wareejiyo nin kale oo ay Nabad. iyo Nolol wata, waa hadii qorshuhu u fulo sidii loogu tala galay.

Yaa u heshiiyay Senotor Muuse?

Xog ay heshay Badweytims ayaa sheegeysa in kulan ka dhacay Villa Somalia oo u dhexeeya madaxweyne Farmaajo, Fahad Yaasiin, Cali Guudlaawe iyo Luqmaan Xaaji gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa la isku raacay in aan Muuse Suudi laga reebin liiska Musharixiinta balse baarlamaanka lagu cadaadiyo in ay doontaan ninka kursiga kula qoran oo ay wadato Villa Somalia.

“Hadii Muuse laga reebo liiska waxa laga cabsaday in uu dagaal ka bilaabo Hirshabeelle iyo Muqdisho marka waxaa la isku raacay in lagu daro Liiska balse baarlamaanka lagu cadaadiyo in aysan codka siin Muuse Suudi, runtii waana la isku raacay” ayuu yiri sarkaal ka tirsan madaxtooyada Hirshabeelle.

Beesha Mudolood iyo Senator Muuse.

Sida ay ogaatay Shabakadda Badweytims  beesha Mudullood oo mudooyinkii dambe waday kulamo is dabajoog ah oo looga hadlaayay masiirka siyaasadeed ee beesha ayaa la isku raacay in Muuse Muuse loo dhaafo kursigiisa maadaama uu yahay oday beesha ka tirsan aadna isku hayaan madaxweyne Farmaajo.

Sarkaal kale oo ku dhow madaxweyne-yaashii hore ee dalka ayaa u sheegay Badweytims  in la isku raacay in Muuse uu noqdo hoggaamiye beeshu gurigiisa ku soo hirato noqda ninka xaliya arimaha cida dhexdeeda ah.
“Tan iyo markii uu dhinta AUN Madaxweyne Cali Mahdi beeshu waxa ay isku raacday in arrimaha masiiriga ah looga dambeeyo senator Muuse” ayaa laga soo xigtay sarkaal la hadlay shabakadda Badweytims

Shalay waxaa la magacaabay guddiga doorashooyinka Hirshabeelle ee dhanka Baarlamaanka waxaana lagu wadaa in madaxweyne Cali Guudlaawe uu ku dhawaaqo liiska musharixiinta aqalka ee baarlamaanka Soomaaliya.

 

Source link