Home Wararka Maanta Muxuu yahay khilaafka la xiriira Soomaaliya ee ka dhex qarxay dowlada Mareykanka?

Muxuu yahay khilaafka la xiriira Soomaaliya ee ka dhex qarxay dowlada Mareykanka?

Sharci-dejiyayaasha ugu sarreeya xisbiga Dimoqraadiga iyo maamulka Biden ayaa waxaa ka dhex-qarxay khilaaf salka ku haya Soomaaliya, iyo sharciyadda uu maamulka weerar uga fulin karo Soomaaliya.

Xubnahan, oo aad uga horyimid duqeymihii ugu dambeeyey ee uu Mareykanka ka fuliyo Soomaaliya, ayaa ku dooday in ficillada maamulka Biden ay wiiqayaan ballan-qaadkii madaxweynaha ee ahaa inuu beddeli doono ruqsadaha dagaalka ee waqtigoodu dhacay.

Waaxda Gaashaandhigga Mareykanka ee Pentagon-ka, oo Soomaaliya ku beegsata banaadirsom Al-Qacida bah-wadaagta la ah ee Al-Shabaab, ayaa weerarkii ugu dambeeyey ugu cudur daaratay adeegsiga ruqsadda AUMF oo lasoo saaray 2001-dii, taasi oo lagu weerari karo kooxaha ka dambeeyey weerarkii Mareykanka lagu qaaday September 11, 2001.

Dimoqraadiga oo mar kasta ku dooda in ruqsadda 2001 aan lagu dabaqi karin weeraro dhacaya 20 sano kadib, ayaa sheegay in maamulka Biden uusan haysan ogolaansho uu ku weeraro Soomaaliya.

“Waxa banaadirsom Biden ay sameynayaan ayaa la mid ah wixii aan ku aragnay saddexdii maamul ee ka horreeyey, hase yeeshee, aniga ahaan ilama waafaqsana ujeedooyinka Congress-ka,” waxaa sidaas yiri Senator Ben Cardin oo laga soo doorto gobolka Maryland, sidoo kalena xubin ka ah guddiga xiriirka arrimaha dibedda ee Senate-ka.

“Waxay ila tahay in madaxweyne Biden ay tahay inuu soo codsado ruqsad cusub oo uu ku adeegsado awood militari, islamarkaana uu aqoonsado ruqasadda 2001 ay tahay in la baabi’iyo,” ayuu ku daray.

 

Source link