Home Wararka Maanta Muxuu RW Rooble u sheegay ganacsatada Soomaalida ee Nairobi? (Sawirro)

Muxuu RW Rooble u sheegay ganacsatada Soomaalida ee Nairobi? (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Somalia Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah ganacstada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Nairobi ee dalka Kenya .

Kulanka oo ahaa mid soo dhaweyn ah ayaa ganacstada waxa ay uga xog warameen Ra’iisul Wasaaraha ganacasiga Soomaalida ay ku leeyihiin Kenya , horumarka ay sameyeen iyo caqabadaha heysta xilligan.

Ganacstada ayaa u soo jeediyey Rooble talooyin ay u arkaan in lagu hagaajin karo xoojinta xiriirka labada dal .

Dhinaca kale,  Ra’iisul Wasaaraha Somalia Maxamed Xuseen Rooble ayaa kaga waramay ganacsatada xaaladihii ugu dambeeyey dalka gaar ahaan siyaasada, amniga, doorashooyinka iyo horumarka.

Sidoo kale ayaa u sheegay ganacsatada ujeedada safarka isaga iyo wafdigiisu ku joogaan Kenya oo uu sheegay iney la xiriirta hagaajinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal oo mudooyinkan xumaaday.

Source link