Home Wararka Maanta Muxuu Maamulka Abiy Ahmed u daneynayaa Xiriirka Ruushka & Shiinaha?

Muxuu Maamulka Abiy Ahmed u daneynayaa Xiriirka Ruushka & Shiinaha?

Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa soo bandhigtay heshiis Iskaashi Militari ah oo ay la gashay Dhiggeeda Ruushka, waxaana diiradda lagu saarayaa Aqoonta Ciidan, Difaaca, Awoodda farsamo & Qalabka ay adeegsanayaan.

Wakaaladda Wararka Itoobiya ee Fana ayaa sheegtay in shir saddex cishe qaatay kadib heshiiskaan si wadajir ah ay u gaareen Xukuumadda Addis Ababa & Moscow si loo xoojiyo xiriirka labada dhinac.

Maamulka Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed oo ka careysan go’aanka Mareykanka ee xayiraadda socdaalka looga joojiyay Saraakiisha Dowladda ee ku eedeysan dhibaatooyinkii ka dhacay Ismaamulka Tigray ee dhaca Waqooyiga Itoobiya.

Siyaasadda Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa u weecatay Dalalka Ruushka & Shiinaha oo xifaaltan dhanka Ganacsiga & Militariga ah uu kala dhaxeeyo Mareykanka kadib markii Xukuumadda Washington dhowr dhinac ka weerartay.

Sidoo kale, Maamulka Abiy Ahmed oo dhibsaday dhexdhexaadinta muranka isticmaalka Biyaha Wabiga Nile kuna eedeeyay Mareykanka in uu garab u yahay Jamhuuriyadda Carabta Masar ayaa kala dheereysay Addis Ababa iyo Washington.

Mareykanka waxa uu garab xooggan Itoobiya ku siiyay dhinacyada Militariga, dhaqaalaha & arrimo kale, balse xaalka ayaa xumaaday kadib markii November 2020 Abiy Ahmed uu amray in xabad lagu wajaho Xoogagga Tigray oo ka biyo diiday dib u dhigista Doorashooyinka sabab qiil looga dhigay Covid-19.

 

Source link