Home Wararka Maanta Muxuu kala hadlay madaxweynaha Galmudug xubnaha guddiga doorashooyinka ee uu la kulmay?

Muxuu kala hadlay madaxweynaha Galmudug xubnaha guddiga doorashooyinka ee uu la kulmay?

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kariye Qoorqoor xaafiiskiisa ku qaabilay xubna ka socday labada guddi ee kala ah; Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federal iyo Guddiga Xallinta Khilaafaadka, kuwaas oo shalay booqasho ku tagay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.

Guddigan oo uu hoggaaminayay guddoomiye Maxamed Xasan Cirro ayaa kala hadlay madaxweyne Qoorqoor sidii loo dar-dar galin lahaa hannaanka doorashada xubnaha labada aqal ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya.

Qoor Qoor ayaa u sheegay guddiga inuu soo saarayo liiska islamarkana doorashada dhaceysa ay noqon doonto mid xor iyo xalaal ah isagoo hoosta ka xariiqay in culeyso badan ay ka heystaan kuraasta Aqalka Sare oo rag culus ay isku hayaan.

Madaxweynaha Galmudug, weli ma shaacin musharraxiinta xubnaha Aqalka Sare, waxaana dhowr jeer oo hore guddigan uu ka codsaday inuu soo gudbiyo musharraxiintaas.

Doorashada Aqalka Sare ayaa 29-kii bishii hore ee July ka billaabatay magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka ah ee maamulka Jubaland.

 

Source link