Home Wararka Maanta Murashaxiinta oo shir albaabada uxiran la yeeshay guddiga doorashada heer federal

Murashaxiinta oo shir albaabada uxiran la yeeshay guddiga doorashada heer federal





Gudoomiyaha golaha midowga murashaxiinta madaxweynaha Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa shir gudoomiyey kulan maalintii labaad murashaxiinta ku yeesheen Muqdisho.

Inta badan kulanka ayaa diirada lagu saarayaa wax tabashada goluhu ka qabo hanaanka doorashooyinka ubilowdeen iyadoo geba gabada kulankooda ay berri soo saari doonaan war murtiyeed faah faahsan.

Goluhu waxay maanta la kulmeen guddiga doorashooyinka heer federal uu hogaaminayey Maxamed Xasan Cirro iyagoo ka wada hadlay geedi socodka doorashada.

Kualnkaas oo saxaafada ay dibad joog ka aheyd waxa qaarkood murashaxiinta ay Nation Fm usheegeen in la isla falan qeeyey sidii doorasho xor iyo xalaal ah uga dhici laheyd dalka.

Midowga murashaxiinta ayaa sidoo kale kulankooda saacadaha soo socda la qaadan doona R/wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo xubno ka socda Beesha caalamka iyo bulshada rayidka.

 




Source link