Home Wararka Maanta Murashax Dhag dheer oo arin cusub ka dhigay maanta markuu tegay Dhuuso...

Murashax Dhag dheer oo arin cusub ka dhigay maanta markuu tegay Dhuuso mareeb

Waxaa maanta Garoonka diyaradaha Ugaas nuur ee Magaalada Dhuuso mareeb gaaray wafdi uu hogaaminayey Senatar Axmed Dhuxulow oo ku magacdheer (Dhag dheer) kana mid ahaa Baarlamaankii 10 aad.

Dhag dheer ayaa si ka duwan murashaxiintii kale loogu soo dhaweeyey Dhuuso mareeb taas oo ka dhigneyd in qoor qoor uu udiyaariyey heer soo dhaweyn ballaaran ah.

Diyaarad u kireysneyd Dhag dheer ayuu sawirkiisa murashaxnimada ku dhagsaday diyaarada taas oo hore aysan murashaxiinta usameynin,waxayna u aheyd mid isaga keliya sidaas sameeyey.

Senatar Dhuxulow ayaa waxa dadkii soo dhaweeyey kamid ahaa Xildhibaano,wasiiro,saraakiil ciidan iyo Bulshada qebaheeda kala duwan .

Senatar Dhag dheer ayaa markale waxa uu kamid yahay Musharaxiinta u taagan Senatarada aqalka sare waxaana muddo labaa tansano ah kamid yahay Baarlamanka Soomaliya.

Banaadirsom Waaya arag la yiraahdo Ee dhageey iyo dhag dheer ka mid yihiin ayaa saameyn culus ku leh arimaha doorashada aqalka sare iyadoo ay xabadka u garaacdeen Dawlada Dhexe xilligii lala dagaalamayey Ahlusuna islamarkaana doorashadii qoor qoor ay kaalin ku lahaayeen.

 

Source link