Home Ciyaaraha Mudada Uu Phil Foden Garoomada Ka Maqnaan Doono Oo La Ogaaday. –...

Mudada Uu Phil Foden Garoomada Ka Maqnaan Doono Oo La Ogaaday. – Banaadirsom

Banaadirsom Man City ayaa ku qasbanaan doonta in ay ciyaarto la’aanta xiddiga Phil Foden kadib markii la xaqiijiyay in uu xiddiga reer England muddo bil ah garoomada ka maqnaan doono sabab la xidhiidha dhaawac.

Foden oo 21 jir ah ayaa dhaawac ku seegay final-kii euro 2020 uu xulka England la ciyaaray xulka Italy waxana uu kooxdiisa ku soo laabtay isaga oo dhaawacan.

Wargayska The Telegraph ayaa sheegaya in uu foden garoomada ka sii maqnaan doono bisha soo socota ee September isaga oo seegi doona waajibaadka xulka qarankisa England.

Xiddiga Foden ayaa la sheeayaa in uu ka dhaawacmay Lugta xilli uu ku jiray tababarkii uu xulka England isugu diyaarinayay final-kii euro 2020  isaga oo seegay kulankaas.

Dhakhaatiirta Banaadirsom Man City ayaa dhaawaca xiddiga ku sheegay mid aan caadi ahayn waxana uu maqnaan doonaa muddo si ay uga taxadiraan in uu dhaawacu ku soo laabto xiddiga mar kale.

Sii Akhriso: Hadii Aad 12-Kan Calaamad Ka Heshid Fariimaha Qofka Aad Jeceshahay Waxa Ay La Mid Tahay In Uu Qofkaasna Ku Jecelyahay.

Source link