Home Ciyaaraha Miyuu Romelu Lukaku Ku Bilaaban Doonaa Kulanka Arsenal? Tuchel Ayaa Ka Jawaabay....

Miyuu Romelu Lukaku Ku Bilaaban Doonaa Kulanka Arsenal? Tuchel Ayaa Ka Jawaabay. – Banaadirsom

Kadib markii uu todobaadkiisii ugu horeeyay ku qaatay chelsea, xiddiga reer Belguim ayaa isku diyaarinaya in uu kulankiisii ugu horeeyay u safto chelsea xilli ciyaareedkan kulanka Arsenal.

Chelsea ayaa la soo saxiixatay Romelu Lukaku kadib markii uu Timo Werner si xun ku bilowday xirfadiisa ciyaareed ee Banaadirsom cheslea xilli ciyaareedkii hore.

Intii uu ku jiray shirkii ka horeeyay kulanka Thomas Tuchel ayaa sheegay in uu Romelu Lukaku taam u noqon doono in uu ku bilowdo kulankiisii ugu horeeyay ee chelsea xilli ciyaareedkan kulanka Arsenal.

“Waxa aan u diyaarinay in uu taam u noqdo kulanka Arsenal, haatan waxa aan rajaynayaa in uu ka qayb qaato kulanka”ayuu Tuchel yidhi.

“Waxa aan helnay weeraryahan fiican waxana aan doonaynaa in uu diyaar u noqdo waliba ciyaaro kulanka”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: Sababaha Ay Dumarku U Doorbidaan In Ay Guursadaan Ninka Xaaska Leh Oo La Ogaaday.

Source link