Home Ciyaaraha Mikel Arteta Oo U Mahad Celiyay Taageerayaashii Ku Oriyay Kadib Guuldaradii Chelsea...

Mikel Arteta Oo U Mahad Celiyay Taageerayaashii Ku Oriyay Kadib Guuldaradii Chelsea – Banaadirsom

Tababaraha Arsenal ee Mikel Arteta ayaa si la yaab leh u amaanay uguna mahad celiyay taageerayaasha Arsenal kuwaas oo ku oriyay laba jeer intii lagu jiray guuldaradii chelsea ee Axadii.

Taageerayaasha Gunners ayaa ku oriyay tababare Mikel Arteta dhamaadkii qaybtii hore iyo qaybtii dambe kadib markii kooxda ay goolal ka dhaliyeen xiddigaha Romelu Lukaku iyo Reece James.

Kooxda Arsenal ayaa haatan la kulantay 2 guuldaro oo xidhiidh ah taas oo ah bilaabashadeedii ugu xumayd ee taariikhdooda iyaga oo aan waliba wax goolal a dhalin.

Arteta oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waa in aan u mahad celiyo taageerayaasha, xitaa marka uu xaalku adagyahay waxa ay riixayaan xiddigaha”.

“Waxa aan taageerayaasha ka arkay wax badan kulankan”.

“Dhamaadkii ma arkin fal celin xun oo ay sameeyeen xiddiguhu laakiin arintan waa fikirkayga”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: Marxaladaha Uu Maro Xiriirka jaceyl Ee dhabta ah, Inta Badan Marxalada 3-aad Ma Dhaafaan

Source link