Mikel Arteta Oo Sharaxay Sababtii Uu 34 Daqiiqo Ugu Badalay Nuno Tavares Kulankii Nottingham Fores – Banaadirsom

Mikel Arteta ayaa sharraxay sababta uu u bedelay Nuno Tavares ka dib 34 daqiiqo oo kaliya kulankii Axadii ee tartanka FA Cup-ka.

Taabaraha Arsenal ayaa ceebeeyay xiddiga da’yarka ah kulankii Nottingham Fores kadib markii uu ku dhibaatooday qaab ciyaareedka kulanka.

Tavares oo aan dhaawac looga saarin ciyaarta ayaa si weyn uga xanaaqay talaabada Mikel Arteta iyada oo la arkay isaga oo tuuraya Gloves-kii uu gacmaha ku xidhnaa.

Mikel Arteta oo ka sharaxaya sababta uu u badalay xiddiga Tavares ayaa yidhi”Waxa aan doonayay in aan horumariyo qaab ciyaareedka kooxda”.

Markii la waydiiyay in uu ka fikiray sheekada ay badalkaas abuurayo ayuu yidhi”Waan fahmayaa arinta laakiin waa in aan qaato go’aanada aan ku fiicnayn karo qaab ciyaareedka kooxda”.


Source link