Home Ciyaaraha Mikel Arteta Oo Qiimeeyay Qaab Ciyaareedka Ben White Kadib Markii Uu Xiddigu...

Mikel Arteta Oo Qiimeeyay Qaab Ciyaareedka Ben White Kadib Markii Uu Xiddigu Ciyaaray Kulankiisii Ugu Horeeyay. – Banaadirsom

Tababaraha Arsenal Mikel Arteta ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay bandhigga Ben White ee kulankiisii ​​ugu horreeyey ee Arsenal kadib guuldaradii Gunners ka soo gaadhay chelsea.

Gunners ayaa la soo saxiixaay Ben White jimcihii kadib markii ay 50 milyan kagala soo wareegeen Banaadirsom Brighton.

White ayaa daqiiqadihiisii ugu horeeyay ciyaaray kulankii ay Arsenal guuldarada kala kulantay Banaadirsom Chelsea kulan saaxiibtinimo ahaa isaga oo xitaa sameeyay badbaadin cajiib ah oo gool cadaan ah ahaa.

isagoo ka hadlaya shirkiisa jaraa’id ka dib, Arteta ayaa ammaanay hamiga kooxdiisa isaga oo sheegay in uu ku faraxsanyahay in ay la soo saxiixdeen Ben White.

“Runtii waan ku faraxsanahay” ayuu yiri Arteta.

“White waa xiddig aan muddo sanado ah la soconay, waxana uu noo noqon doonaa saxiix cusub, waxana uu soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah isaga oo Banaadirsom ku soo kordhiyay isku dheelitirnaan”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: Saddexda Waddo Ee Ugu Fiican Ee Aad Jacaylkaaga Ugu Soo Bandhigi Kartid Qofka Aad Jeceshahay Hadi Adiga Oo Aan Xishood Aama Cabsi Dareemin.

Source link