Home Ciyaaraha Mikel Arteta Oo Qarka U Saaran Rikoodh Ceeb Xambaarsan Premier League. –...

Mikel Arteta Oo Qarka U Saaran Rikoodh Ceeb Xambaarsan Premier League. – Banaadirsom

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa rikoodh ceeb xambaarsan qarka u saaran hadii ay Arsenal guuldaro kala kulanto kooxaha West Brom iyo Man City todobaadkan.

Tababaraha Gunners ayuu saaranyahay cadaadis xoogan iyada oo kaliya la ciyaaray 2 kulan oo xilli ciyaareedka ah kadib markii ay laba guuldaro kala kulmeen kooxaha Brentford iyo chelsea.

Marka la eego taariikhda Arsenal ee 118 sano waa markii ugu horaysa ee ay Arsenal guuldaro la kulantay laba kulan iyaga oo aan wax gool ah dhalin waana in uu Arteta wax ka badalo xaalada.

Arteta ayaa fursad u haysta in uu wax ka badalo xaalkoodiisa isaga oo la ciyaari doona kooxaha West Brom iyo Man City kulamo premier League iyo Carabao cup-ka ah.

Mikel Arteta ayaa noqon kara tababarihii 2-aad ee taariikhda Premier League guuldaro la kulma 4-ta kulan ee ugu horeeya xilli ciyaareedka isaga oo aanay kooxdiisu wax gool ah dhalin.

Tababaraha kaliya ee rikoodhkaas kaga horeeyay ayaa Ah Frank de Boer kaas oo rikoodhkaas ku dhigay kooxda Crystal Palace sanadkii 2017.

Sii Akhriso: Ma Doonaysaa In Aad Guursatid Gabadh Qurux Badan, Hadaba Ninow Haatan Ka Laabo Go’aankaas Hadii Aad Noloshaada Doonaysid, Ma Ahan Mid U Fiican Noloshaada

Source link