Home Ciyaaraha Mikel Arteta Oo Loo Sheegay Laba Saxiix Oo Sabab U Noqon Kara...

Mikel Arteta Oo Loo Sheegay Laba Saxiix Oo Sabab U Noqon Kara In Uu Waayo Shaqada Arsenal – Banaadirsom

Halyeeyga kooxda Arsenal ee Paul Merson ayaa sheegay in uu Mikel Arteta sameeyay khalad waali ah kadib markii uu la soo saxiixday xiddiga Martin Odegaard isaga oo ku tilmaamay saxixia xiddiga saxiix waali ah.

Kooxda Arsenal ayaa jimcihii xaqiijisay in uu Martin Odegaard qaab toos ah ugu soo biiray kooxda kadib markii ay Real Madrid iska fasaxday xiddiga 22 jirka ah

Odegaard ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay Arsenal qaybtii dambe ee xilli ciyaareedkii dambe markaas oo uu amaah ku qaatay kooxda.

Paul Merson Ayaa sidoo kale su’aal ka keenay saxiixa Goolhaye Aaron Ramsdale kaas oo la tartami doona Goolhaye Bernd Leno kadib markii uu dhamaystiray ku biiristiisa kooxda fiidnimiadii jimcihii.

Paul Merson ayaa u sheegay Daily Star”Mikel Arteta waxa uu sameeyay khalad markii uu la soo saxiixday Martin Odegaard, shaqadiisa ayuuna ku waayi doonaa dhawaan”.

“Maxaad ku qabanaysaa saxixia Odegaard? hadii uu Odegaard doonayay Arsenal waxana uu si toos ah ugu biiri lahaa kooxda markii uu dhamaaday heshiiskiisa amaahda”.

“Laakiin ma uusan doonayn in uu Arsenal ku soo biiro waxa uu doonayay in uu ku laabto Real Madrid, kadib markii ay Real Iska fasaxda waxa ay ahayd in ay Arsenal diido”

“Martin ma qaban shaqo fiican intii uu amaahda ku joogay kooxda, kaliya waxa uu dhaliyay 2 gool, waxa aan u malaynayaa in uu sameeyay khalad”.

“Saxiixa kale ee waalida ah waa Saxixia Goolhaye Aaron Ramsdle, ma jirin koox kale oo doonaysay saxiixiisa sababta oo ah waxa laga dhaliyay 125 gool labadii xilli ciyaareed ee uu ciyaaray premier League”.

“Run ahaantii ma garanayo cida dooranaysa xiddigaha, waxa aan i waydiinayaa in uu Mikel Arteta, cid walba oo ay tahay waxa shaqada ku waayi doona Arteta hadii ay wax khaldamaan”.

Sii Akhriso: Sababaha Ay Raggu U Doorbidaan In Ay Xidhiidh La Sameeyaan Gabadhaha Da’da Waaweyn.

Source link