Home Ciyaaraha Mikel Arteta Oo Ka Warbixiyay Xaalad Dhaawac Ee Thomas Partey – Banaadirsom

Mikel Arteta Oo Ka Warbixiyay Xaalad Dhaawac Ee Thomas Partey – Banaadirsom

Tababaraha Banaadirsom Arsenal ee Mikel Arteta ayaa ka warbixiyay xaalada dhaawac ee xiddiga khadka dhexe Thomas Partey kaas oo ku dhaawacmay kulankii chelsea.

Thomas Partey ayaa dhaawac uga baxay qaybtii hore ee kulankii ay Arsenal guuldarada kala kulantay Banaadirsom chelsea kulan ka tirsanaa saaxiibtinimooyinka labada kooxood.

Xiddiga ayaa lagu badalay Granit Xhaka daqiiqadii 39-aad ee qaybtii hore ee ciyaarta kadib markii uu sii wadan kari waayay in uu ciyaaro.

“Waxa aan la hadli doonaa dhakhtar-ka”ayuu Arteta yidhi.

“Bari waxa la marin doonaa baadhitaan, laakiin haatan sida ay wax u muuqdaan uma muuqdo dhaawac fudud sababta oo ah xanuun aad u weyn ayuu dareemayay, arintaas caadi uma ahan Thomas”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: Ninka Quruxda Badan Mise Ninka Aan Quruxda Lahayn? Midkee Ayaa Farxad Dareensiiya Gacalisadiisa.

Source link