Home Ciyaaraha Mikel Arteta Oo Ka Hadlay Fursadaha Ben White Ee Kulanka Man City...

Mikel Arteta Oo Ka Hadlay Fursadaha Ben White Ee Kulanka Man City Ee Todobaadka Dambe – Banaadirsom

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa sheegay in uuna Filayn in uu Ben White taam u noqdo kulanka Man City ee todobaadka dambe.

Sabtidii ayay soo bexeen warar sheegaya in uuna xiddiga Ben White qaadan tababarka jimcihii sabab la xidhiidha in laa helay xanuunka Korona Kooxda ayaan warkaas markii dambe xaqiijisay.

Xiddiga ayaa seegay kulankii chelsea iyada oo xiddigaha Rob Holding iyo Pablo Mari ku bilowdeen shaxda daafaca kooxda Arsenal kulankii Ay guuldarada kala kulmeen kooxda chelsea.

Markii la waydiiyay in uu Ben White taam noqon doono kulanka Man City ayuu Mikel Arteta ku jawaabay”Uma malaynayo”.

Warkan ayaa ah mid u xun kooxda Arsenal kuwaas oo ku dhibaatoonaya dhanka qaab ciyaareedka waliba si aad ah u doonaya in ay gaadhaan guushoodii ugu horaysay horyaalka premie League.

Sii Akhriso: Marxaladaha Uu Maro Xiriirka jaceyl Ee dhabta ah, Inta Badan Marxalada 3-aad Ma Dhaafaan

Source link