Home Wararka Maanta Midowga Musharaxiinta oo shir deg deg ah isugu yimid+maxaa soo kordhay

Midowga Musharaxiinta oo shir deg deg ah isugu yimid+maxaa soo kordhay

Waxaa hadda magaalada Muqdisho gaar ahaan Hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho ka bilowday shir ay leeyihiin midowga musharaxiinta kaa oo dhamaan madaxda isugu imaadeen.

Shirka waxaa goobjoog ah madaxweynahashii hore ee dalka Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif, sidoo kale waxaa kulanka goobjoog ah Ra’isul Wasaarihii hore ee Xasan Cali Kheyre iyo Hogaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Kulanka ayaa waxa uu daba socdaa kii Saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay uga socday Muqdisho iyo shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee ka socda Xalane kaa oo si weyn isha loogu hayo.

Musharaxiinta ayaa kulankan uga arrinsanaya arrimaha doorashooyinka iyo iska indhatiridda Rooble iyo Golaha Wadatashiga Qaran ee dalabkooda yahay iney ka qeyb galaan shirka.

Waxaa la filayaa in goor dhaw ay war Murtiyeed ka soo saaraa shirkooda iyagoo aad kaga cabsi qaba in maamulada awood loo siiyo soo xulista ergooyinka iyagoo helay xog arrintaas ku saabsan.

Dhanka kale waxaa jira kala shaki soo kala dhex galay midowga musharaxiinta iyo madaxda maamul goboleedyada kaa oo gaaray heer ay madaxda isu imaan waayaan iyagoo Muqdisho wada jooga.

 

Source link