Home Ciyaaraha Messi, Rice, Bernardo, Mane, Pogba, Neves, Kane, Asensio, Haaland, Coutinho & Wararkii...

Messi, Rice, Bernardo, Mane, Pogba, Neves, Kane, Asensio, Haaland, Coutinho & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga. – Banaadirsom

Waxa si Rasmi ah u dhamaaday xilli ciyaareedka 2020/2021 waxana ay kooxaha reer yurub bilaabayaan qorshaynta suuqa kala iibsiga iyo xiddigaha ay doonayaan in ay la soo saxiixdaan inta uu suuqu furanyahay si ay ugu xoojiyaan kooxohooda.

Kooxaha reer yurub iyo waliba xiddigaha ayaa bilaabaya indha-indhaynta xiddigo iyo kooxo cusub oo ay ka ciyaaraan xilli ciyaareedka dambe iyada oo kooxuhu haatan la saxiixan karaan xiddigaha ay doonayaan.

Inkasta oo uu suuqu furmi doono bilowga bisha dambe hadana kooxaha ayaa dhamaystiri kara saxiixyada xiddigaha ay doonayaan maadama uuna jirin horyaal furan oo ay xiddiguhu diirada saari doonaan.

Hadaba waxa aan maalin walba si joogto ah idiinku soo bandhigi doonaa wararka xiddigaha iyo kooxaha kala duwan ee suuqa kala iibsiga.

David Beckham ayaa wadahadalo la qaatay Lionel Messi si uu kooxdiisa Inter Miami u keeno marka uu dhoco heshiiskiisa kooxda PSG (Mirror).

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda West Ham ee Decline Rice oo diirada u saaran Man United iyo chelsea ayaa doonaya in uu isaga tago kooxda xilli West Ham dul dhigtay lacag dhan 100 milyan oo euro (Telegraph).

Kooxda Ac Milan ayaa wadahadalo Kula jirta kooxda Man City si ay uga hesho saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Bernardo Silva (Star).

Kooxda Tottenham ayaa Man United iyo Arsenal uga horaysa baacsiga xiddiga khadka dhexe ee kooxda Bayern Munich ee Corentin Tolisso (Sky Sport).

Kooxda Arsenal ayaa si lama filaan ah ugu dhaqaaqaysa saxiixa xiddiga kooxda Real Madrid ee Marcos Asensio (Fichajes).

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Tottenham ee Ndombele ayaa doonaya in uu midkood ku biiro kooxaha Real Madrid, Barcelona ama Bayern Munich (AS).

Kooxda Tottenham ayaa sidoo kale si lama filaan a uga dhaqaaqi karta saxiixa xiddiga kooxda Liverpool ee Sadio Mane (Tuttosport).

Kooxda Man United ayaa wali xiiso u qabta saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Wolves ee Ruben Neves (Sunday).

Tababaraha Kooxda PSG Ayaa diiday in uu meesha ka saaro in ay kooxdiisu u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba (Manchester Evening News).

Kooxda Man City ayaa doonaysa in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Barcelona ee Ilaix Moriba (Mundo Deportivo).

Kooxda Man City ayaa wali 50 milyan ka hoosaysa lacagta ay Tottenham ku qiimayso xiddiga Harry Kane ee 150 milyan oo euro (Mirror).

Xiddiga kooxda Borussia Dortmund Erling Haaland ayaa laga yaabaa in uu ka tago kooxda marka la gaadho suuqa January ee bilowga sanadka dambe (Mirror).

Kooxda Liverpool ayaa isku dayaysa in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddigeedii hore ee Philippe Coutinho inta lagu jiro suuqa xagaagan (Mirror).

Tababaraha Kooxda Man United Ole Gunnar Solskjaer ayaa xaqiijiyay in uuna xiddiga Paul Pogba ka tagi doonin kooxda xagaagan (Mail).

Tababaraha Lionel Messi ee Ronald Koeman ayaa qirtay in ay kooxuhu Barcelona uga cabsan jireen Lionel Messi (Mail).

Xiddiga weerarka uga ciyaara Inter Milan ee Lautaro Martinez ayaa iska diiday dalab weyn oo uu ka helay Arsenal si uu u sii joogo Inter Milan (Mail).

Sii Akhriso: Faah-Faahino Yar Oo Ay Gabadha Uga Fiirsato Ninka Kulankooda Ugu Horeeya, Iska Sax Arimahan Ninow.

Source link