Home Ciyaaraha Merih Demiral Oo Ka Tagay Juventus , Yuu Ku Biiray? – Banaadirsom

Merih Demiral Oo Ka Tagay Juventus , Yuu Ku Biiray? – Banaadirsom

Banaadirsom Atlanta ayaa shaaca ka qaaday in ay la soo wareegeen Merih Demiral kaasi oo u joogay Juventus

Qaab amaah ah ayay ku heleen iyadoo uu jirayo qorshe ay toos ugu iibsan karaan waxaana warkaan sidoo kale shaacisay Juventus

Wiilkaan dhashay Turkey ayaa leh qibrad horyaalka Talyaaniga ah waxa uuna jooga xilli ciyaareedkiisa afaraad iyadoo uu soo maray Juve iyo  Sassuolo

Waxa uu u Juve u ciyaaray labadii xilli  ciyaareed ee la soo dhaafay waxaana si weyn xagaagaan looga doonayay Ingiriiska

Laacibkaas 23 sano jirka ah ayaa markii ugu horeysay ka soo muuqday qarankiisa November 2018 waxa uuna ka mid noqday xiddigaha asaasiga ah , waxa uuna ilaa iyo haatan u ciyaaray 24 kulan

 

Source link