Memphis Depay Oo Go’aansaday In Uu Isaga Tago Barcelona & Sababta Oo La Ogaaday – Banaadirsom

Xiddiga Memphis Depay ayaa doonaya inuu ka tago Barcelona bisha Janaury ama xagaaga soo aadan isagoo dareemaya in Ronald Koeman uu ka fiican yahay Xavi Hernandez sida laga soo xigtay El Nacional.

Xiddiga reer Holland ayaa diyaar u ah in uu dhagaysto dalabyada u imamanaya inkasta oo uu kaliya xagaagii dhawaa ku soo biiray kooxda Barcelona.

Memphis ayaa qaab xor ah ugu soo biiray Barcelona xagaagii waxana uu kooxda Barcelona u dhaliyay 8 gool waxana uu sidoo kale caawiye ka noqday 2 gool oo kale 15 kulan oo uu ciyaaray La Liga.

Depay ayaa Barcelona u yimid sabab la xidhiidha tababarihiisii hore ee Ronald Koeman kaas oo uu xidhiidh fiican la lahaa waxana uu aaminsanyahay in uu isagu yahay tababare ka fiican Xavi oo haatan hogaamiya Barcelona.

Xiddiga 28 jirka ah ayaa Barcelona kula jira heshiis ilaa xagaaga 2023 ah waxana uu ku dhibaatoonayaa in uu goolal badan u dhaliyo kooxda Barcelona xilli ciyaareedkan.


Source link