Home Ciyaaraha Meesi Ayo!! Barcelona Oo Guul Weyn Ku Bilaabatay Horyaalka La Lig &...

Meesi Ayo!! Barcelona Oo Guul Weyn Ku Bilaabatay Horyaalka La Lig & Martin Braithwaite Oo Muujiyay In La Iloobi Karo Messi. – Banaadirsom

Banaadirsom Barcelona ayaa guul weyn ku bilaabatay xilli ciyaareedka cusub ee horyaalka La Liga iyaga oo kabaha la dulmaray Banaadirsom Real Sociedad kulan ay markii ugu horaysay ciyaareen Messi la’aan.

Qaybta hore:

Indhaha adduunka oo dhan ayaa si gaar ah ula socday kulankan maadama ay Barcelona ciyaarayso kulankii ugu horeeyay horyaalka iyaga oo uu ka maqan yahay xiddigeedii hore ee Lionel Messi.

Xiddigaha Barcelona ayuu cadaadis weyn ku saarnaa in ay soo bandhigaan qaab ciyaareed cajiib ah iyo waliba guul muhiim ah si meesha looga saaro wel-welka laga qabo mustaqbalka Banaadirsom Messi kadib.

Barcelona ayana wakhti dheer ku qaadan in ay dhaliso goolka 1-aad kadib markii uu daafaca Gerard Pique dhaliyay gool madax ah hogaankana u dhiibay kooxdiisa kana dhigay ciyaarta 1/0.

Banaadirsom Barcelona ayaa sii waday dadaalka iyaga oo maamulayay ciyaarta sidoo kale ka awood badnaa Banaadirsom Real Sociedad kuwaas oo weeraro rogaal celis ah ciyaarayay.

Daqiiqadii 45+2-aad ayay Barcelona dhalisay goolka 2-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Martin Braithwaite kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0 ay Barcelona ku hogaaminayso ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Banaadirsom Barcelona hogaaminayso natiijada ciyaarta sidoo kale ka fiicnayd Banaadirsom Real Sociedad qaybta hore ee ciyaarta.

Qaybta Dambe:

Banaadirsom Barcelona ayaa qaybtii dambe si dar-dar leh ku bilaabatay iyaga oo doonayay in ay dilaan ciyaarta waliba Sociedad ka hor istaagaan in ay dhaliyaan goolal ay ciyaarta ugu soo laabtaan.

Daqiiqadii 59-aad ayay Barcelona dhalisay goolka 3-aad waxana u dhaliyay xiddiga Martin Braithwaite kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/0 ay Banaadirsom Barcelona ku sii dheeraystay hogaanka ciyaarta.

Kadib goolkaas tababaraha Barcelona ayaa sameeyay khalad isaga oo u maleeyay in ay kooxdiisu jeebka ku shubatay 3-da dhibcood ee ciyaarta waxan uu sameeyay badalo wax weyn ka badalay ciyaarta.

Laakiin Banaadirsom Real Sociedad ayaa dib ugu soo laabatay ciyaarta iyaga oo ciyaar dar-dar leh soo bandhigay isla markaas ku doonayay in ay ciyaarta ugu soo laabtaan.

Daqiiqadii 82-aad ayay Real Sociedad dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Julen Lobete Cienfuegos kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/1 ay Real Sociedad rajo ku heshay.

Real Sociedad ayaan halkaas ku joogsan waxana ay daqiiqadii 85-aad dhaliyeen goolka 2-aad ciyaarta kadib markii uu xiddiga Mikel Oyrazabal dhaliyay goolka 2-aad ee ciyaarta isaga oo ciyaarta ka dhigay 2/3.

Laakiin Banaadirsom Barcelona ayaa daqiiqadii 90+1-aad dhalisay goolka 4-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Sergi Roberto kaas oo ciyaarta ka dhigay 4/2.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Barcelona gaadhay guul muhiim ah waliba ku muujisay in ay socon karaan la’aanta kabtankoodii hore ee Lionel Messi.

Sii Akhriso: Ma Jeceshahay Qof Aan Ku Jeclayn, Ma Doonaysaa In Aad Soo Jiidato Qalbigiisa, Fariimahan U Dir, Shaki La’aan Wuu Badalayaa Go’aankiisa

Source link